lirik.web.id
a b c d e f g h i j k l m n o p q r s t u v w x y z 0 1 2 3 4 5 6 7 8 9 #

lirik lagu minhaj barreh – dhab u fiirso

Loading...

qaali ladan :
waataad dhib mudatee
dhursugeysay waayee
hawl kaa dhamataa
ii dhalatey caawee

dhuxushaad ku joogtiyo
dhamacdii dareemee
dheel ma joogtee
dhab u fiirso waligaa

caaqil yare:
dhibta lay isku egaa
wey inoo dhexaysayoo
adiguba dharaaraad
ka qosleysey dhooshee

anna dhiig sidaan galay
keymaha ku dhuuntee
saw caawo dhaantiyo saw
filanmeysid dheel~dheel

qaali ladan :
dheegow danteenii
anigaa dhalliiloo
ruuxse dhaawac geystoo
dhayayaa ma liitee
ruux taladu dhaaftana
dhaaxaanu aragnee
dheel ma joogtee
dhab u fiirso waligaa

caaqil yare:
dhulku wuxuu la qayshaa
dhamacdii i gubatee
dhirtu waxay la oydaa
dhuxushaan magaabashee

amba dhamay qadhaadhkee
waa inaad dhadhamisaa
saw caawo dhaantiyo
filanmeysid dheel~dheel


Lirik lagu lainnya:

LIRIK YANG LAGI HITS MINGGU INI

Loading...