lirik.web.id
a b c d e f g h i j k l m n o p q r s t u v w x y z 0 1 2 3 4 5 6 7 8 9 #

lirik lagu khaalid kaamil - jacaylka dhabtaa ha raadin

Loading...

[1]

qof rooray sidii dabaysha
indhaha waxba lala ma raaco
risiqa aan kuu qornayna
rafaad kuma soo helaysid

hadduu jiilaalku raago
nimciyo roob baa danbeeya
mugdiga rogay daahyadiina
iftiinka ayaa ka reyni

[dh]

rasmigu waa sida daruurta
rugtaada xareedda keenta
runtuna iyadaa timaade
jacaylka dhabtaa ha raadin

[2]

bukaan ruux kugu abuuray
ka rayso ayaa dawaysa
rejada aan midhadhalayna
ka reeban ayaa la qaatay
adoo raandhiis helaaya
riyada nafta lagu ma waalo
adoo reer noqon lahaana
shukaansiga lagu ma raago

[dh]

rasmigu waa sida daruurta
rugtaada xareedda keenta
runtuna iyadaa timaade
jacaylka dhabtaa ha raadin


Lirik lagu lainnya:

LIRIK YANG LAGI HITS MINGGU INI

Loading...